Munaasibad Lagu Xusayay 1-da Luliyo oo xalay lagu qabtay magaalada Kampala-SAWIRRO
Published on July 1, 2011 by admin · No Comments · 255 viewsMunaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaalida waddanka looguna debaal degayay 51-sano guuradii ka soo wareegtay markii ay gobollada Konfured ee Soomaaliya ka xureebeen gumeystihii Talyaaniga isla markaana ay midoobeen labada gobol ee Woqiyga iyo Konfurta dalka ayaa xalay lagu qabtay hoolka Aga Khan ee magaalada Kampala ee wadanka Uganda.
Munasibadani oo ay soo agaasimeen Safaaradda Soomaalida ee Uganda iyo Dhalinyarada Soomaalida ah ee ku nool magaalada Kampala ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne kor u dhaafaya boqolaal kuwaasi oo illaa 12-kii saqda dhexe sugayay calan saarka.
Madaxdii ka soo qeyb gashay munasibadani loogu debaaldegayay 51-sano guuradii ka soo wareegtay markii dadka Soomaaliyeed ay iska rideen heryadii gumeystaha ayaa waxaa ka mid ahaa sariifka Soomaaliya ee wadanka Sayd Axmed Sh Abukar , Siciido Cali Gurxan oo ah marwadii Jeneral Caydiid saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan wadanka Uganda kuwaasi oo dadkii ka soo qeyb galay munaasibadani uga sheekeeyay qiimaha ay leedahay maalintan oo kale iyo dhibaatadii loo soo maray helidda Calan Xor ah.
Safiirka Soomaaliya ee Uganda Dr Sayd Axmed Shiikh Abuukar oo Munaasibada ka hadlay ayaa waxaa uu jaaliyada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay nabada ka shaqeeyaan oo ay si nabada ah ugu noolaadaan wadankana Uganda ee loo oggolaaday in ay ku noolaadaan, isla markaana ay mar uun guddi doonaan abaalka ay u galeen shacabka iyo dowlada Uganada sida ammaanka ah ee ay shacabka Soomaaliyeed ugu nool yihiin wadankooda.
“Waxaan inku baaqayaa walaalayaal in si ammaan ah aad wadanka ku joogtaan oo aad nabada ka shaqeysaan isla markaana aad dhowrtaan dalka ,dadka iyo dowlada Uganda ee idiin ogolaaday in aad si nabad ah ugu noolaataan wadankooda” ayuu yiri Amp. Sayd Axmed.
Sidoo kale Safiirka waxaa uu u balan qaaday Jaaliyada Soomaaliyeed in ay gudaha bishani heli doonaan Baasaboorka Cusub ee Soomaaliya kaasi oo markii hore aan laga heli jirin wadanka Uganada.
Saacadu markii ay gaartay 12-kii saq dhex ayaa waxaa hoolka Aga Khaqn mar qura qabsaday sacab iyo mashxarad xiligaasi oo la saarayay calkanka Baluga ah ee xidigta cad dhexda kuleh, waxaana dadka qaar ee munaasibadani ka soo qeyb galay wejiyadooda laga dheehanayay wadaniyad Jeceylka kuwaasi oo ay indhahooda soo buuxiyeen Ilmo.
Ma aha markii ugu horeysay ee munaasibad sidan oo kale ah loogu debaaldegayay 1-da luliyo ay qabtaan jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Uganda, balse munaasibadani ayaa waxaa ay aheeyd mid ka duwan munasaibadihii hore loo qaban jiray marka loo eego hab maamuuska iyo sida loo soo agaasimay.
Max’ed Ibraahim Raage Kampala Uganda.
No comments:
Post a Comment