Culuma’uwdiinka Ahlusunna waljameeca ayaa maanta degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ku qabtay munaasabad lagu weyneynayay maalinta xorriyadda Soomaaliya, iyagoo halkaasi ku soo bandhigay ciidamo fara badan oo dhoolatus sameeyay.
Munaasabadaasi oo ay ka qeybgaleen qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada Dhuusamareeb ee xarunta G/Galgaduud, ayaa lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumeeysa Qiimaha xorriyadda.
Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb ee maamulka Ahlusunna Waljamaaca C/raxmaan Geeda qoroow oo halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo ku aadan munaasabadda 1 da Luulyo u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeeyay shacabka in ay helaan xasilooni iyo nabad gelyo waarta.
Munaasabaddan ayaa qeyb ka ah munaasabadaha ka dhacaya dalka guduhiisa, kuwaas oo lagu xusayo munaasabadda 1 da Luulyo.
No comments:
Post a Comment