Kulan looga hadlayay sidii Manaahijta waxbarasho ee Dugsiyada dalku ay ugu bixi lahaayeen luqadda Soomaaliga oo ay ka qeybgaleen Jaamacadaha ka howlgala dalka ayaa lagu soo gabagabeeyay dalka jamhuuriyadda Jabuuti.
Kulanaasi oo looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa luqadda Soomaaliga, isla markaana loogu dhigi lahaa manaahijta Waxbarashada, ayna ka qeybgaleen Mas’uuliyiin ka kala socota Jaamacadaha Muqdisho, Camuud, Puntland, Jigjiga iyo kuwo kale ayaa lagu soo gebagebeeyay magaalada Jabuuti.
Kulankaasi oo uu soo qabanqaabiyay ururka Qalinleeyda Soomaaliyeed oo gacan ka helaya wasaaradda Warfaafinta Jabuuti ayaa gebagebadiisa waxaa la isla meel dhigay in lagama maarmaan ay tahay in luqadda Soomaaliya ay ku baxaan Manaahijta waxbarasho.
Kulankani ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu sii hormariyo Luqadda Soomaaliga, oo haatan u muuqata in aan wax lagu baran, wixii ka danbeeyay burburkii xukuumadda.
No comments:
Post a Comment