Friday, July 1, 2011

Xarunta G/Banaadir oo lagu qabtay xuska munaasabdda 1 da Lulyo

Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay maalinta xoriyadda ayaa maanta lagu qabtay xarunta maamulka G/Banaadir, taas oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.
Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana uu soo Agaasimayay maamulka G/Banaadir ayaa lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumeeysa qiimaha xoriyadda, waxaana dadkii halkaasi ka hadlay ay tilmaamaeen ahmiyadda ay maalintani u leedahay ummadda Soomaaliyeed.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta, Maxamed C/lle Geeseey, oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in halgan badan loo so galay xoriyadda aynu maanta heysano, wuxuuna kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay u xajisan lahaayeen xoriyaddii aynu qaadanay Lixdankii.
Ku simaha guddoomiyaha G/Banaadir Cali Axmed Guure ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay muujiyaan wadaniyad iyo isku duubni ayna taageeraan Dowladda si looga baxo dhibaatooyinka dalka ka taagan.
Xafladani ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Hooyooyin waayo joog u ahaa xiligii uu socday halgankii loogu jiray xoriyadii Lixdankii, waxaana xuska maalinta xorriyadda lagu qabtay qeybo badan oo ka mid ah gudaha dalka iyo dibadiisaba.

Kulan looga hadlayay horumarinta Afka Soomaaliga oo Jabuuti lagu qabtay

Kulan looga hadlayay sidii Manaahijta waxbarasho ee Dugsiyada dalku ay ugu bixi lahaayeen luqadda Soomaaliga oo ay ka qeybgaleen Jaamacadaha ka howlgala dalka ayaa lagu soo gabagabeeyay dalka jamhuuriyadda Jabuuti.
Kulanaasi oo looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa luqadda Soomaaliga,  isla markaana loogu dhigi lahaa manaahijta Waxbarashada,  ayna ka qeybgaleen Mas’uuliyiin ka kala socota Jaamacadaha Muqdisho, Camuud, Puntland, Jigjiga iyo kuwo kale ayaa lagu soo gebagebeeyay magaalada Jabuuti.
Kulankaasi oo uu soo qabanqaabiyay ururka Qalinleeyda Soomaaliyeed oo gacan ka helaya wasaaradda Warfaafinta Jabuuti ayaa gebagebadiisa waxaa la isla meel dhigay in lagama maarmaan ay tahay in luqadda Soomaaliya ay ku baxaan Manaahijta waxbarasho.
Kulankani ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu sii hormariyo Luqadda Soomaaliga, oo haatan u muuqata in aan wax lagu baran, wixii ka danbeeyay burburkii xukuumadda.

Dhuusa mareeb oo laga xusay 1 da Lulyo

Culuma’uwdiinka Ahlusunna waljameeca ayaa maanta degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ku qabtay munaasabad lagu weyneynayay maalinta xorriyadda Soomaaliya,  iyagoo halkaasi ku soo bandhigay ciidamo fara badan oo dhoolatus sameeyay.
Munaasabadaasi oo ay ka qeybgaleen qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada Dhuusamareeb ee xarunta G/Galgaduud, ayaa lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumeeysa Qiimaha xorriyadda.
Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb ee maamulka Ahlusunna Waljamaaca C/raxmaan Geeda qoroow oo halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo ku aadan munaasabadda 1 da Luulyo u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeeyay shacabka in ay helaan xasilooni iyo nabad gelyo waarta.
Munaasabaddan ayaa qeyb ka ah munaasabadaha ka dhacaya dalka guduhiisa,  kuwaas oo lagu xusayo munaasabadda 1 da Luulyo.

Munaasibad Lagu Xusayay 1-da Luliyo oo xalay lagu qabtay magaalada Kampala-SAWIRRO

Munaasibad Lagu Xusayay 1-da Luliyo oo xalay lagu qabtay magaalada Kampala-SAWIRRO

Published on July 1, 2011 by admin   ·   No Comments  ·   255 views
Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaalida waddanka   looguna debaal degayay 51-sano guuradii ka soo wareegtay markii ay gobollada Konfured ee Soomaaliya ka xureebeen gumeystihii Talyaaniga isla markaana ay midoobeen labada gobol ee Woqiyga iyo Konfurta dalka ayaa xalay lagu qabtay hoolka Aga Khan ee magaalada Kampala ee wadanka Uganda.
Munasibadani oo ay soo agaasimeen Safaaradda Soomaalida ee Uganda  iyo Dhalinyarada Soomaalida ah ee ku nool magaalada Kampala ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne kor u dhaafaya boqolaal kuwaasi oo illaa 12-kii saqda dhexe sugayay calan saarka.
Madaxdii ka soo qeyb gashay munasibadani  loogu debaaldegayay 51-sano guuradii ka soo wareegtay markii dadka Soomaaliyeed ay iska rideen heryadii gumeystaha ayaa waxaa ka mid ahaa sariifka Soomaaliya ee wadanka  Sayd Axmed Sh Abukar , Siciido Cali Gurxan oo ah marwadii Jeneral Caydiid saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan wadanka Uganda kuwaasi oo dadkii ka soo qeyb galay munaasibadani  uga sheekeeyay  qiimaha ay leedahay maalintan oo kale iyo dhibaatadii loo soo maray helidda Calan Xor ah.
Safiirka Soomaaliya ee Uganda Dr Sayd Axmed Shiikh Abuukar oo Munaasibada ka hadlay ayaa waxaa uu jaaliyada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay nabada ka shaqeeyaan oo ay si nabada ah ugu noolaadaan wadankana Uganda ee loo oggolaaday  in ay ku noolaadaan, isla markaana ay mar uun guddi doonaan abaalka ay u galeen shacabka iyo dowlada Uganada sida ammaanka ah ee ay shacabka Soomaaliyeed ugu nool yihiin wadankooda.
“Waxaan inku baaqayaa walaalayaal in si ammaan ah aad wadanka ku joogtaan oo aad nabada ka shaqeysaan isla markaana aad dhowrtaan dalka ,dadka  iyo dowlada Uganda ee idiin ogolaaday in aad si nabad ah ugu noolaataan wadankooda” ayuu yiri Amp. Sayd Axmed.
Sidoo kale Safiirka waxaa uu u balan qaaday Jaaliyada Soomaaliyeed in ay gudaha bishani heli doonaan Baasaboorka Cusub ee Soomaaliya kaasi oo markii hore aan laga heli jirin wadanka Uganada.
Saacadu markii ay gaartay 12-kii saq dhex ayaa waxaa hoolka  Aga Khaqn mar qura qabsaday sacab iyo mashxarad xiligaasi oo la saarayay calkanka Baluga ah ee xidigta cad dhexda kuleh, waxaana dadka qaar ee munaasibadani ka soo qeyb galay wejiyadooda laga dheehanayay wadaniyad Jeceylka kuwaasi oo ay indhahooda soo buuxiyeen Ilmo.
Ma aha markii ugu horeysay ee munaasibad sidan oo kale ah loogu debaaldegayay 1-da luliyo ay qabtaan jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Uganda, balse munaasibadani ayaa waxaa ay aheeyd mid ka duwan munasaibadihii hore loo qaban jiray marka loo eego hab maamuuska iyo sida loo soo agaasimay.
Max’ed Ibraahim Raage Kampala Uganda.