Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay maalinta xoriyadda ayaa maanta lagu qabtay xarunta maamulka G/Banaadir, taas oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.
Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana uu soo Agaasimayay maamulka G/Banaadir ayaa lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumeeysa qiimaha xoriyadda, waxaana dadkii halkaasi ka hadlay ay tilmaamaeen ahmiyadda ay maalintani u leedahay ummadda Soomaaliyeed.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta, Maxamed C/lle Geeseey, oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in halgan badan loo so galay xoriyadda aynu maanta heysano, wuxuuna kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay u xajisan lahaayeen xoriyaddii aynu qaadanay Lixdankii.
Ku simaha guddoomiyaha G/Banaadir Cali Axmed Guure ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay muujiyaan wadaniyad iyo isku duubni ayna taageeraan Dowladda si looga baxo dhibaatooyinka dalka ka taagan.
Xafladani ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Hooyooyin waayo joog u ahaa xiligii uu socday halgankii loogu jiray xoriyadii Lixdankii, waxaana xuska maalinta xorriyadda lagu qabtay qeybo badan oo ka mid ah gudaha dalka iyo dibadiisaba.